السبت، 25 مايو 2019


Fikirka Khawaarijta – Qaybta 1aad


Fikirka Khawaarijta

Muxaadaro ku Saabsan Fikirka Khawaarijta,
Sifaatkooda Iyo Kooxaha Ku Saamoobay

QAYBTA | 1AAD

Share:

SOONKA IYO ZAKADA


Iyo Zakada

فصول في الصيام والتراويح والزكاة

CabdulCasiis Xasan Yacquub
Share:

السبت، 16 مارس 2019

XUSNUL MUSLIM AFSOMALI AH


Share:

الأحد، 10 مارس 2019

Waxyaalo Ilaahay Xarrimay Dadkuna Fududeysteen – Qaybta 1aad

Waxyaalo Ilaahay Xarrimay Dadkuna Fududeysteen – Qaybta 1aad

Share:

Weysada (al-Wuduu)

Weysada (al-Wuduu)

Share:

الأحد، 3 مارس 2019

Daka qaar waxa aykuu arkaan sii akhri insha allah


Daka qaar waxa aykuu arkaan in aadtahay qoftaqi ah
Dadka qaarna waxaa aykuu arkaan in aad tahay mujrim

Dadka qaarkoodna waxaa aykuu arkaan in aad tahay sidaa iyo sidaa iyo sidaa
Lakiin xaqiiqada waxa aytahay
In aad tahay adiga mid nafsadaada og waxa aytahay
Sirta kaliya oo aanan ogayn cid aan adiga ahayn
Waa sirta iyo waxa idinka dhexeya adiga iyo rabigaaga
Yeesan ku kadinin kuwa wax amaana
Sidoo kale yeeysan ku dhibin kuwa waxcaaya
Maxaayeeley xaqiiqada waxa ay dhaheysaa
بَلِ الْأِنْسَانُ عَلَى نَفْسِهِ بَصِيرَةٌ
Khatarta nolosha waxaa kamida in aad kunoolaato dhaaca iyo macsiya dhexdood
Maxayeeley adiga maogid labadaa meelood meeshe ayeey ahaan doon taa khaatimadaada
Dhaacada usameey sii ikhlaas ah
Ha usameynin sii isdhaafis ah ama katakhalusid ah
Sunnoyin ilaali in aad ugudhawaato rabi ee maya in laguugu amano
Walaahi adiga ayaa aad ugu baahan dhaacada
Rabigaaga subxanahu watacala wuu ka kaaftoonyahay dhaacadaada
Hamigaaga hakadhigin dadka jeceelkooda
Maxaa yeeley dadka quluub tooda waa ay is rog rogtaa
Manta wayku jeclaaneysaa
Beri waa ayku naceysaa
Hamigaaga ha ahaado side ayuu kuu jeclaanayaa rabiga dadka
Ilaahey s w haduu kujeclaado
Dadka quluubtooda waxa uu kadhigayaa midkujecel
Xaaraantu waligeed xaaraan un bey ahaaneysaa
Xataa hadii dadka oo dhan sameeyaan
Hakatanaazulin mabda aaga
Iskadhaaf dadka kale mar un baad xisaabin doontaaye adiga kaligaa
Hadaba utoosnow sida laguu amrey
Maya sida aad doonto
Usameey nafsadaada qarsoodi iyo sir anan cidkale ogeeyn allah mooyee
Sida ay utahay dambiyada khalawadka kuwa wax halaaga
Ayeey Sidaas ookale xasanaadka lasameeyo khalawaadka badbaadiya yaal uyihiin
لَقَدْ رَضِيَ اللَّهُ عَنِ الْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبايِعُونَكَ تَحْتَ الشَّجَرَةِ
Yeesan kumashquulinin golayaasha aadka uqur qurxoon
Maxaayeeley shirarka shirkoodii ugu waynaa taariikha waxaa uu ahaa geed hoostiisa
Ilaahayow arinkayga adiga ayaan kuu dhiibtey
Midkamida culamada waxaa uu dhahay
Ilaahey ayaan waydiisanayaa xaajadeeyda
Haduu isiiyo waxaan ku farxayaa halmar
Haduusan isiinin xaajadeyda waxaan kufarxayaan toban mar
Maxaa yeeley tiihore waxa ay ahay doorashadeeyda
Tan labaad waa doorashada caalimul qaybka subxanahu watacala
Waa mid aad u qurxoon in aad ku kalsoo naatid rabul cibaad
Ilaahey waa uu ogyahay adinkuse maogidiin
Taasi ayaa ah jawaabta kushaafineysa oo ah
Mexey waxaan igu dhacayaan aniga
Maxaayeeley ilaahey waa uu ogyahay anaguse maogin
Dadka qaarkood in ay noloshaada kabaxaan ama ay kusoo biiraan waa naxriis ilaahey
Naxriis aynaan garan kareeynin ilaa uu waqtiga natusiyo moyee
Sanooyinka aad iyo aad ayeey isku bad badalaan
Xitaa buuraha iyo dhulka ayeey bedesha
Side ayeeysan kuu badeleeynin adaga oo bashar ah
Hadaan ogaanlahayn sida aan ugu mashoo neyno ajirka dhibaato kadib
Kama tamanin lahay ilaahey faraj deg deg ah
Nagama uusan qaadanin ilaa in uu nasiiyo mooyee
Qadirta kuqaabila hadalkeena iyo hadalkiina oo ah alxamdu lilaah
Salafusaalax waxaa ay ahaayeen kuwa isku dardaarma 3 kalimaad hadii lagu miizaami lahaa dahab ayka culaan lahayd
Mida kowad
Qofka hagaaji asiga iyo ilaahey dhexdood ilaahey waxa uu hagaajinayaa asiga iyo dadka dhexdood
Mida labaad
Qofka hagaajiya sariiradiisa
Ilaahey waxa uu hagaajinayaa calaaniyadiisa
Mida sadexad
Qofkii kafikara aakhiradiisa ilaahey waxaa uu kakaafinayaa aduunyadiisa iyo aakhiradiisaba
Khasaarooyinka noocyada uguxun
Inayjanada ahaato balaceeda samada iyo dhulka aadan kahelin ada boos ama meel janada dhexdeeda
Nolosha kafaaiideyso
Wazaadkaaga
Ilaahey hanoo dhaafo aniga iyo adinkuba wasalalahuma wasalama calaanabiyinaa muxamad





Share:

الأحد، 17 فبراير 2019

Diinta - 70-ka danbi oo ugu waaweyn Diinta Islaamka (kabaa'irta) Qore: Ahmed N. Osman

Diinta - 70-ka danbi oo ugu waaweyn Diinta Islaamka (kabaa'irta)
Qore: Ahmed N. Osman


Quraankeenna kariimka ah iyo sunnada nabigeena suubban calehi salaatu wasalaam (CSW) waxay
marar badan ka hadleen danbiyada waaweyn oo la doonayo inuu qofka Muslinka ahi iska ilaaliyo. Iyada oo ay lagama maarmaan tahay in qofka Muslimka ahi uu iska ilaaliyo danbiyada kuwa yar-yar iyo kuwa waaweynba, ayaa hadana waxaa aad muhiim u ah inuu qofku yaqaan danbiyada waaweyn si uu uga fogaado, haddii aan qofku aqoon danbiyada waaweyn sidee ayuu isaga ilaalinayaa?. Maadaama ayan jirin hal aayad ah ama hal xaddiis ah oo koobaya danbiyadaas ayna ku kala firiqsan yihiin meelo kala duwan oo quraanka iyo axaadiista nabiga (CSW) ka mid ah. Marar badan ayaad Quraanka ku arkaysaa iyada oo Ilaahay uu dadka muuminiinta ah ku tilmaamayo inay yihiin kuwa ka fogaada danbiyada waaweyn.

Culumo badan ayaa ku dadaalay inay danbiyadaas hal kitaab ah isugu keenaan si ay dadka ugu fududeeyaan. Culumada danbiyada waaweyn wax ka qoray iskuma raacsana inta ay tahay tirada danbiyada waaweyn. Culumadu waxay is weydiiyeen maxaa la oran karaa danbi weyn ( Kabiirah) ama danbiyo waaweyn (kabaa’ir). Culumadu waxay yiraahdeen danbi waxaa la oran karaa waa mid weyn haddii:-
  1. Danbigaas Ilaahay ama nabiga (CSW) ay ku tilmaameen inuu yahay mid weyn.
  2. Uu jiro xad lagu oogo qofkii danbigaas gala, tusaale ahaan marka Ilaahay leeyahay “Tuugga (nin) iyo Tuugadda (dumar) haddii ay wax xadaan gacmaha ha laga jaro” waxay ku tusaysaa inay xatooyadu tahay danbi weyn, maadaama Ilaahay amar ina ku siiyay inaan xad ku oogno.
  3. Uu Ilaahay ama nabigu CSW ay qofkii danbigaas gala u sheegeen inuu naar mutaysanyo. Ama ay yiraahdeen nacalad ayaa ku dhacaysa qofkii sameeya.
Hadaba waxaan haddii Ilaahay raalli ka noqdo halkaan inoo ka bilaabanaya kitaab ka mid ah kuwa ugu caansan oo laga qoray danbiyada waaweyn. Sababta ugu weyn oo aan u doortay kitaabkaan waa isaga oo gaarsiiyay tirada danbiyada waaweyn ilaa 70 danbi. Kitaabka waxaa la yiraahdaa “kitaabul al-kabaa’ir” oo macneheedu yahay “kitaabkii danbiyada waaweyn” , waxaa qoray nin la yiraahdo shamsul-diin al-dahabi.
Al-dahabi wuxuu ku dhashay magaalada Dimishiq waddanka Suuriya sanadku markuu ahaa 1273-dii, wuxuu dhintay 1348-dii.
Danbiga Koowaad: Shirkiga
Danbiga danbiyada ugu weyn waa shirkiga oo macnihiisu yahay in qofku Ilaahay wax la wadaajiyo oo uu wax yaalo Ilaahay gaar u ah uu cid kale siiyo sida inuu qofku caabudo wax aan Ilaahay ahayn ama uu baryo ama uu rumeeyo in cid aan Ilaahay ahayn ay wax u dhimi karaan ama ay wax tari karaan.
Shirkigu wuxuu u qaybsamaa laba qaybood:
  • Qaybta koowaad: waa shirkiga weyn oo uu qofku cid aan Ilaahay ahayn caabudo ama uu awooddii Ilaahay cid kale u rumeeyo. Shirkiga weyn meelo badan ayaa quraanku uga hadlay, waxaa ka mid ah marka Ilaahay leeyahay “Ilaahay qofna uma dhaafo haddii uu wax la wadaajiyo, qofkii uu Ilaahay doonana waa u dhaafaa wixii shirkiga ka soo haray” suuradda al-nisa aayadda: 48aad.
    Mar kalena Ilaahaywuxuu yiri “qofkii Ilaahay u shariig yeela, Ilaahay janada waa ka xaaraanshay, wuxuuna ku waarayaa naarta” suuradda Al-maa’idah aayadda: 73aad. Dhinaca Axaaddiista , Nabiga CSW ayaa saxaabada ku yiri “ma idiin sheegaa 3-da danbi oo ugu waaweyn?” saxaabadii ayaa yiri “haah, noo sheeg rasuulkii Ilaahayow”, nabigu wuxuu yiri “ Shirkiga, waalidka oo lagu caasiyo iyo shaahadatul zuurka (been lagu markhaati kaco), waa xaddiis ay Muslim iyo Bukhaari isku waafaqsan yihiin (mutafaqun calehi).
  • Qaybta labaad: Is-tustuska: shirkiga qaybtiisa labaad waa is-tustuska, waa iyada oo qofku markuu cibaadaysanyo uu meeshuu Ilaahay uga niyaysan lahaa uu cibaadada u sameeyo halagaa sheego ama ha lagu arko iwm. Axaadiis badan ayaa ku soo aroortay is-tustuska. Nabiga CSW ayaa laga soo wariyay inuu yiri “ waxaan idiinkaga digayaa shirkiga yar” saxaabadii ayaa waydiiyay “ waa maxay shirkiga yari?” nabiga csw ayaa ugu jawaabay “ waa is-tustuska”. Axaadiis aad u faro badan ayaa ku soo arooray in qofkii aan cibaadadiisa Ilaahay ula niyaysan uusan ka helayn wax ajar ah.
Share:

السبت، 16 فبراير 2019

Cadaawadda shaydaanka iyo sida laysaga ilaasho

Cadaawadda shaydaanka iyo sida laysaga ilaasho


Waxaa diyaariyey
Cabdiqani M. Calixagaa (qardhaawi)

Shaydaanku wuxuu qofka u istaagaa wado kasta oo uu qofku doono inuu maro isaga oo isku
Share:

السبت، 19 يناير 2019

Kitaabka Nuurka Islaamka

Kitaabka Nuurka Islaamka

Soo Islaaminta Dadka Habawsan(Kitaabka Nuurka Islaamka)

Share:

الأربعاء، 16 يناير 2019

Attaxyaatka

Attaxyaatka

Attaxyaatka

Waxaa dhigay:Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
Share:

الثلاثاء، 15 يناير 2019

Salmaan & Siciid: Qur’aan Baan Wadanaa!! (1) -

Salmaan & Siciid: Qur’aan Baan Wadanaa!! (1)


Rabbi Subxaanahu Watacaalaa wuxuu Qur’aanka Kariimka ah noogu sheegay
Share:

Xijaabka Yaa U Xiray ?!!!

Xijaabka Yaa U Xiray ?!!!..(1)   Qore Sheekh Maxammad Idiris

((Qisadan muddo ayaan gacanta ku hayey oo aanan soo deyn, anoo markii ay isoo
Share:

Toban Qarni iyo Taariikhda Soomaalidii Hore

Toban Qarni iyo Taariikhda Soomaalidii Hore

Toban Qarni iyo Taariikhda
Soomaalidii Hore

Waxaa qoray:
Cabdullaahi Xasan Maxamuud (khaliil)
Share:

Raaxada Guurka

Raaxada Guurka – Qaybta 5aad

Raaxada Guurka

Baabka | 5aad

Turxaan Bixinta Nolosha Qoyska

Waxaa qoray:
Sabriye Macallin Muuse
Share:

Weysada (al-Wuduu)

Weysada (al-Wuduu)

Kitaabka Weysada

Waxaa dhigay oo ka soo tarjumay kitaabka Al Imaamu Al Nawawii (النووي) ee Al “Majmuuc” (المجموع) Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM.
Share:

الثلاثاء، 17 يناير 2017

DUGSIGA BARASHADA QURAANKA ONLINE






Machadka jaamiculquraan waa machad online ah oo aad ka baran karto diinta islaamka meel walba oo aad dunida ka joogto  machadka waxaa dhigata arday ku kanool sida usa sweden norway finland australia i.w.m macahdku wuxuu kuu diyaariyay wax barasho tayo leh iyo macalimiin aqoon durugsan uleh barida iyo ku barbaarinta ubadka diinta islaamka ah waxaa loo tababaray soo saarida qoys islaami ah waxaa wax lagugu barayaa qalab casri ah oo aan ka dhicin macalin ku horjooga  hadaba machadku waxa uu siinayaa ardayda cusub tijaabo sedex maalmood ah oo lacag la'aan ah si uu ugu qanco  waalidka  waxaa wax kabaran kara qof kasta caruur iyo ciroole machadka waxa uu qaadanayaa arday isugu jirto bilow dhexdhexaad iyo dhameestir intaba wax barashadii loo safri jiray ayaa gurigaagi kugu tinid waa fursad qaali ah si aad isu diiwaangeliso guji xaga sare  ama naga soo wacTel viber +252634016565 skype live:macalimcabaas
ama macalimcabaas@hotmail.com

 



Share:

الثلاثاء، 28 أبريل 2015

Tilmaamaha Macalinka Suuban




  Macalinku waa midka haya amaanada tarbiyeynta ubadka soo koraya, runtiina waa amaano culus oo u baahan qofka

Share:

الاثنين، 30 مارس 2015

Learn Quran at your home



Jaamiculquraan is an online Quran Academy to teach the students of any age, any country and anywhere in the world. We welcome the parents who are worried about Islamic education of their children especially from western countries to come and equip their children with the divine knowledge.
Jaamiculquraana  is worlds’ best online Quran academy providing the Islamic education to the students of every age. We aim to provide an easy platform to the prospective Quran students for enlightening them with the best possible Quranic understanding in all its forms and manifestations. We have highly qualified and well experienced teaching staff. Our mission is to spread the teachings of Quran all over the world.
We are committed to provide Quran education to our students in a charming atmosphere and greed passion.
We claim that the students of our organization will not only be fine recites but also good interpreter
To this end, we are committed in our venture to the best of our sincerity and humble capacity to provide a team of extremely capable, highly educated and well trained tutors. We are Alhamdulillah, committed and dedicated to broadcast the essence and spirit of the Holy Quran to all the aspirants in every nook and corner of the world.




Share:

taabo sawirkan subscribe saar

INTAQOF EE NASOBOQATEY

Unordered List

Untitled-2

sawirkaan taabo subscribe saar

Kadegso halkan xusnul muslim afsimali