Fikirka Khawaarijta – Qaybta 1aad
Fikirka Khawaarijta
Muxaadaro ku Saabsan Fikirka Khawaarijta,
Sifaatkooda Iyo Kooxaha Ku Saamoobay
QAYBTA | 1AAD
Sheekh Maxamad Cabdi Umul
Waxaa qoray: Abuu Kalthuma
Email: Abuu.Kalthuma@gmail.com
Email: Abuu.Kalthuma@gmail.com
إن الحمد لله نحمده و نستعينه و نستغفره و نعود بالله من شرور أنفسنا و من سيئات أعمالنا، من يهديه الله فلا مضل له و من يضلل فلا هادي له و أشهد ان لا إله إلا الله وحده لا شريك له و أشهد ان محمد عبده و رسوله۔
﴿يَا أيّهُا الَّذِينَ ٱمَنُوا اتَّقوا اللهَ حَقَّ تُقَاتِهِ وَ لَا تَمُوتُنَّ إِلَّا و أنتُم مُّسلِمُون﴾ [ٱل عمران١٠٢]
﴿يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالًا كَثِيرًا وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ وَالْأَرْحَامَ إِنَّ اللهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا﴾ [النساء١]
﴿يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَن يُطِعِ اللهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا﴾ [الأحزاب ٧١-٧٠]
أما بعد، فإن خير الحديث كتاب الله و خير الهدي هدي محمد صلى الله عليه و سلم، و شرالأمور محدثاتها، و كل محدثة بدعة، و كل بدعة ضلالة، و كل ضلالة في النار
Muxaadaro ku Saabsan
Fikirka Khawaarijta, Sifaatkooda
Iyo Kooxaha Ku Saamoobay
Tusmo Gaaban
Qoraalada darsigaan waxaa inagu kalifay muhiimada weyn ay ummada islaamka ee ahlu sunnah wal jamaaca u leedahay uga digida qatarta Khawaarijta iyo Shiicada ay leedahay. Maadaama ay muxaadaradaan tahay mid ummada uga digeeysa cawaaqib xumada ay leedahay kooxaha ka leexday wadadii ama sunnadii suubanaha Rasuulka (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) ee toosan iyo kitaabkii Alle (سبحانه و تعلي). Kuwaas oo uu Skeekha sheegay in ay leeyihiin magacyo fara badan ayna u kala baxaan dariiqooyin fara badan oo aan ahayn dariiqa Sunnada iyo Kitaabka Alle (سبحانه و تعلي).
Marka muxaadarooyinka wey fara badan yihiin {إن شاء الله تعلي} waxaan ka qori doonaa wixii Alle (سبحانه و تعلي) inoo fududeeyo si aan u gaarsiino ummada walaalaheen ah ee jecel inay raacaan jidka ama wadada toosan ee suubanaha Rasuulka (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) iyo saxaabadiis iyo inta jidkaasi saxda aha qaaday. Anigana waxaan Ilaahay ka baryaayaa in uu naga yeelo dhamaan (Muwaxidiinta) kuwa ku dayda ee raaca jidkaas toosan qaatana qowlka wanaagsan.
Fiiro gaar ah:
Xuquuqda qoraalada waa mid furan oo u fasaxan cid walba oo jecel inay kheyrka faafisa iyo dadka jecel inay ka faa’ideystaan aqrintiisa ama daabacaadiisa. Qoraaga waxa uu ka mamnuucay inta la daabacda ka dibna dadka laga iibiyo. Maxaa yeelay qoraalda Abuu Kalthuma waa (صدقة جارية) oo loogu tala galay inay ummada ka faa’ideysato.
(جزاكم الله خيرا)
Amaanta Alle (swt) Kadib Wuxuu
Sheekha Hadalkiisa Ku Bilaabay
إن شاء الله تعلي
Waxaan isku dayi doonaa laga bilaabo caawa kolba sidii uu Ilaahay (سبحانه و تعلي) (Chance) noo siiyo in aan ka hadalno (Firaqa) ama kooxaha ama (Group) yada ka leexday dariiqa (Ahlu Sunnah Wal-Jamaaca) ama dariiqii (Salafka) iyo saxaabada iyo intii raacday ee wanaag ku raacday dariiqahooda kooxahii ka leexday silsilad ku saabsan ayaan rajeynayaa {إن شاء الله تعلي} in aan waxii Ilaahay naga waafajiyo ka niraahno.
Silsiladaasi darsigeeda uga horeeyay caawa ayaan ka hadli doonaa (إن شاء الله), labad habeen oo ka dambeysa iyo caawa waxaan ka hadli doonaa (بإذن الله الكريم) kooxdii uga horeysay ee dariiqa ka leexata oo la yiraahdo (Khawaarijta) ama (Al-Maariqa) magacyo badan bey leeyihiin.
Waxaa xigi doona iyadana oon ka hadli doonaa {إن شاء الله تعلي} mar kale kooxaha kale sida:
- Shiicada iyo Afkaarteeda
- Murji’ada iyo Afkaarteeda yaa ku (T’athuray)
Silsiladaan guud ahaanteeda cinwaankeeda waxa weeye ee aayada quraanka ah:
وَأَنَّ هَٰذَا صِرَاطِي مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ ۖ وَلَا تَتَّبِعُوا السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ عَن سَبِيلِهِ ۚ ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُم بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
[Sura Al-An’aam Aya 153][سورة الأنعام آية ١٥٣]
Caawa darsigeena marka wuxuu ku saabsan yahay (Firqada) ugu horeysay ama kooxda ugu horeysay cinwaankuna waxa weeye sidii horeba loo (Iclaamiyay);
Fikrul-Khawaarij Wa Sifaatuhum Wa Atharu Daalika Fii Dawaa’iril Mucaasira ama Wa Atharuhu fii dawaa’ifil Mucaasira.
Fikirkii khawaarijta iyo astaamahooda iyo raadka fikirkooda uu ku leeyahay kooxaha hada jooga; Yaa ku T’athuray? Oo fikirkooda wax ka mid ah qaatay ama wada, inta uu ka qaatay ama ha yaraato ama ha badnaato.
Caawa marka {إن شاء الله تعلي} waxaan ka hadli doonaa oo darsigaan u horeeya ku saabsanaan doonaa:
- Khawaarij sey ku soo baxday,
- Goormeeyna soo baxday
- Markey soo baxdayna side loola dhaqmay ama loola mucaamilooday
- Iyaga iyo Saxaabada (رضوان الله عليهم) maxaa dhax maray
Darsiga inagu xiga waxaan ka hadli doonaa {إن شاء الله تعلي} (Muctaqadaadka) iyo sifaadka iyo astaamaha lagu garto (Khawaarijta).
Kan nagu xigi doonana waxaan ka hadli doonaa {إن شاء الله تعلي} kooxaha athkaartii khawaarijta ku t’athuray waxa ka mid ah ama (Afkaartii) oo dhan sidaasaa {إن شاء الله تعلي}darsigeena noqon doonaa.
Khawaarij
Seey Ku Soon Baxday
Maqsuutku muxuu yahay, ujeedadu waxa weeye in umada diinteeda loo naseexeeyo oo diinta loo ilaaliyo, waana waajibaadka shareecada kuwa ugu waaweey bey ka mid tahay in jihaadka Ilaahay diintiisa loo jihaado kuwa ugu muhiimsan bay ka mid tahay in diinta iyo caqiidada Muslimiinta laga ilaaliyo (Inxiraafaadka) iyo qaladaadka laga ilaaliyo.
Wuxuu leeyahay Sheekhul Islaam Ibn tayymiyah (raximahu Allaah) isaga oo tilmaamaya ama wax ka sheegaya ama tusaala yaal ka bixinaya;
‘’Diinta oo loo naseexeeyo.
Xadiithkii (Daari)
Marka naseexada diinta loo naseexeeyo ayuu tusaaleyaal ka bixinaayay Sheekhul Islaam Ibn tayymiyah (raximahu Allaah).
Markaasuu wuxuu yiri:
‘’Waxaa la mid ah madaxda bidcada oo hadalo kitaabka iyo sunnada qilaafsan iskaleh, ama cibaadooyi kitaabka iyo sunnada qilaafsan leh. In xaalkooda la cadeeyo muslimiintana looga digo waa waajib muslimiintu isku waafaqsan yihiin.”
Markaasuu wuxuu keenay hadal uu leeyahay Imaam Axmad (raxmatullahi caleyhi).
Wuxuu yiri:
Imaam Axmad baa waxaa lagu yiri; kee baad jeceshahay nin soomaya, oo dukanaya, oo ictikaafaya iska cibaadeeysanaaya, cibaadkiisa qaaska iskaga mashquulsan, masjidkiisa quraanka iskaga aqrista, iska ictikaafa, soonkiis iyo salaadiisa isaga mashquulsan iyo nin shaqo ka dhigtay (Ahlul Bidca) inuu ka hadlo oo ummada uga digo oo (Afkaartooda) radiyo.
Labadaa kee baad jeceshay baa lagu yiri Imaam Axmad?
Markaasaa wuxuu yiri Imaam Axmad:
Haduu ruuxu istaago uu dukanayo oo soomaayo oo dadaalahaayo oo sadaqeysanaayo oo xajjinahayo oo cumreysanahayo naftiisa un bey u noqoneysaa ma dhaafsiisna isaga un baa iskaleh nafci isaga ka gudbaaya ma aha waa wax un isaga u soo noqonaaya isagana ku ek.
Dadka (Ahlu Bicda) ee dariiqa ka leexda haduu arinkood ka hadloo cadeeyo radiyana taasi waxay u noqoneysaa nafcigeedu muslimiinta ayay u noqoneysaa, diintii baa ilaashaneyso, muslimiintii baa badbaadaya cadiiqadoodii baa badbaadeeyso oo aakharadoodii iyo adduunkoodii baa u badbaadayaa, taasaa fadli badan buu yiri Imaam Axmad.
Caabidka cibaadada iskaga mashquulsan iyo ninka mabaadi’da iyo afkaarta munxarifka la dagaalamaya kan dambaa fadli badan buu yiri, li’ana nafcigiisu umadaa iskaleh.
Sheekhul Islaam Ibn tayymiyah (رحمه الله) hadlkii isaga oo sii wada wuxuu yiri:
Imaam Axmad wuxuu cadeeyay buu yiri in arintaa lagu mashquulo oo afkaarta qaldan in ummada looga digaa, wuxuu sheegay buu yiri nafcigiisu inuu caam yahay ummada diinteeda u noqonaayo, waana nooc jihaadka ka mid ah weeye.
Waa Ilaahay diintiisii jidkii Rabbi oo la daahirinaayo weeye,
- Rabbi jidkiisii oo la daahirinaayo weeye
- Shareecadiisii oo la daahirinaayo weeye
Maxaa laga daahirinaayaa?
Wixii rag ku soo dareen baa laga daahirinaayaa laga huffayaa oo laga nadiifinaayaa.
Wuxuu yiri:
Kuwa xad gudubka diinta ku sameeynayaan waa waajib in laga hor tago, waana waajib (Kifaa’i) ah culimada islaamka say isla ogol yihiin oo muslimiinta sida isku waafaqsan yihiin
Wuxuu leeyahay:
Kuwaasi (Ahlul Bidca) qurafaadka iyo dariiqada qaldan oo mabaa’dida qaldan diinta lagu soo darayaa hadaan la helin cid isu taagta dhibkooda in laga hor tago diintaaba fasahaadeyso buu yiri.
Fasaadkaasi ay sameeynayaan baan ka weyn buu yiri in cadowga uu dhulka muslimiinta gaalo qasbato. Fasaadka ka dhalanaaya waxaa ka weyn buu yiri Fasaadka ahlul bidca ay diinta fasaadinaayaan taasaa ka …badan buu yiri..
Maxaa yeelay gaalo haday dhulka qabsato buu yiri, quluubta fasaadinta ay ku sameeynayaan waa (min baabitabac) dhulkay qabsanaayaan kadibna dhiinta iyo inay fasaadiyaan quluubta dib bay ka imaaneysaa.
Laakiin qolodaan (Ahlul Bidca) ah, ayagu marka ugu horeeysa. ..
Ayaga marka ugu horeysaba quluubta ayay fasaadinaayaan, diintii ummaday fasaadinaayaan, sidaas daraadeed cadow dhul qabsaday iyagaa ka daran weeye. Hadii marka waxa weeye gaal dhul Islaam ku soo duulaya halala dagaalamo ay tahay halala jihaado, ahlul bidca jidka ka baxay, waxayna sidoo kaleeto, hadaynaan la mid ahayn wey ka muhiimsan tahay waa nooc (min jinsil jihaad fii sabiililaahi) labadaas ayuu marka (رحمه اللهشيخ الاسلام ابن تيمية) buu kala cadeynayaa.
Maqsuudka marka waxa weeye in ummada muslimka loo naseexeeyo oo diinteeda wixii qatar ah laga ilaaliyo. Maxaa yeelay (اهل البدع) in badan bay lug gooyeen:
- ummad badan bay lug gooyeen,
- qaar badan bay (Naar) sabab ugu noqdeen,
- qaar fara badan bay jidka ka saareen,
- dhiig badan bay daadiyeen,
- ummad bay kala firdhiyeen,
- caqiidadii bay (Tashkiik) iyo balaayo galiyeen.
Fasaad oo dhan bidca buu ka yimaadaa bal (Towreed) iyo (Injiil) kutubtii Ilaahay (swt) soo dejiyay waxa isbedelka ugu dhacayba waa bidca, bidcooyinkii baa laga qaban waayay. Wadaadadii markay wax ku soo dardareen baa waxaa wax yac ka yiraahdo ayaa la waayay, kadibna Kitaabkii (Samaawiga) ahaa ee kor ka yimid isagii wuxuu isu bedelay wax isku dhex jir ah oo qaar Ilaahay soo dejiyay iyo qaar rag ku darsadeen buu isugu jiraa.
Diintaan Ilaahay u soo dejiyay Islaamka Alle (swt) wuxuu ku xifdiyay, quraankaan Alle (swt) waa xifdiyay sunnadiisa iyo dariiqada saxda ahna wuxuu ku xifdiyay, culimada oo mar walba u taagan afkaarta qaldan ee soo korodha inay la dagaalanto oo loo xiro oo loo dilo oo loo rafaadiyo, oo loo qixiyo oo dhib oo dhan lagu sameeya.
Khawaarijta
(الخوارج)
Hadii marka ay muhiim tahay in (اهل البدع) ummada looga digo اهل البدع) waa sii kala daran yahay, waxaana ugu daran niman (Khawaarij) (الخوارج) la yiraahdo kooxdaas ayaa ugu daran. Li’ana fidnadooda waa ka weyn tahay (Fitanka) kale.
Inay ka daran yihiin waxaa ku tusaaya koox kooxaha lumay ka mid ah:
- Murji’a dheh
- Shiica dheh
- Jahmiya dheh
- Muctazila dheh
Firaqdan lunsan firqo axaadiista (Khawaarij) ay ku soo aroortay mid la mid ah ay ku soo aroortay ma jiro. Axadiista Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) ee koox ku soo aroortay ee ka digaysa axaadiista waxaa ugu badan (Khawaariijta) ku soo aroortay koox ahaan ugu soo aroortay. Laakiin firaqda kale inta badan in (Cumuumaat) iyo (Nusuustii) kaleete un lala aado mooyee laakiin firqa ahaan iyo koox ahaan axaadiista ku soo aroortay ma badna. Khawaariijta laakiin axaadiista (Mutawaatir) bey gaareysaa. Saxiixa iyo sunanka iyo masaaniida iyo kutubta oo dhan ayaa qoreen. Marka qatarta ay leeyihiin inay ka halisan tahay kuwa kale oo dhan bey ku tusi.
Qatarta Khawaarijta
Qatartooda waxay ku jirtaa dhowr dhinac marka laga fiiriyo.
Waa dhanka koowaadee:
Horta waxa weeye waa lagu (Kadsoomi) oo inta badan waxay dadka ku qaldaan oo (Caamada) iyo dadkaan garan-neynin ay ku qaldami karaan baa jira ooy leeyihiin, oo maxay tahay:
- Cibaado badni
- Iyo Zuhdi
- Iyo jihaad la sheegto iyo…
(الأمر بالمَعْرُوف والنَهي عن المُنْكَر)
Wanaagaan dadka fareenaa xumaantana waan ka reebeynaa oo (Shacaar) laga dhigto. In la yiraahdo kitaab Ilaahay iyo xukunkiisaan dadka ugu yeereeynaa, iyaga laf ahaantoodii markaad fiiriso;
- Waa dad salaad badan
- Waa dad soon badan
- Waa dad cibaado badan
- Waa dad quraan arkhris badan
Waa dad (Aqlaaqdood) iyo dhaqankooda markaad fiiriso, afkoodana iyo waxay sheeganayaana (Astaanta) iyo (Shicaarka) ay sheeganaayaana waa shicaar ku cajab gelinaayo, oo muxuu yahay?
(إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ)
Adigu waswaas miyaad ka qabi <(إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ)> xukunka Ilaahay un baa iskaleh. Kitaab Ilaahay ha lagu dhaqmo ma waswaas baa idinkaga jira in kitaab ilaah lagu dhaqmo?
Marka shicaarka ay sheeganaayaan ee ay muujisanaayaana waa lagu kadsoomi, (Salaaxooda) daahirka ah cibaadoodkaa iyo zuhdigoodaa iyo soonkaa iyo salaada badana waa lagu kadsoomaa. Labadaa bay haday is fuulaan ood ruuxii aad ku aragto inaad ka badbaadaa baa yarba (Allahumaa) inaad afkaartaan iyo mabaa’didaan garaneeyso mooyee.
Saas daraadeed baa Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) xadiiska Abuu Daa’uud iyo Axmad iyo qayrkood ay soo saareen, waa xadiith saxiis uu Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) yiri:
‘’Ilaahay kitaabkiisa ayay dadka ugu yeerayaan, kitaabka Ilaahayna wax ay kaga suga yihiina ma jirto.’’
Cidda la dagaalameeysa ayaa kitaabka Ilaahay kaga (Owleesan) oo ka xigta, cidda ay kula dagaalamaayaan war kitaabkii baad ka tagtay, oo diintii baad ka tagtay kaa ay dhiigiisa ku baneysanaayaan baa kitaabka Alle (swt) uga dhawaansha badan, kitaabkuna beri buu ka yahay laakiin astaantii calaamada waxa weeye, (Yadcuuna Ilaa Kitaabilaah), waan u tagi doonaa qisadooda.
Goormee Soo Baxday
Markii ugu horeeyay ee koox ahaana u bilaawdeen waxay ku bilaabeen Cali bin Abii Taalib (رضي الله عنه) inay ku yiraahdaan:
« حكمة رجال في كتاب الله »
« لا حكم إلاّ لله »
Halkaas ayay ka bilaabatay.
Marka waxa weeye shicaar dadka lagu qaldi karo iyo (Madaahir) dadka lagu soo jiidan karo oo lagu qaldi karo ayay leeyihiin firaq badana kaga gedisan yihiin waa lagu kadsoomi karaa marka.
Mida Labaad
Waa mida labaadee oo qatartooda ay ku jirto, madhabkooda ma aha (Mujarad Aaraa) iyo (Maqaalaad Kalaamiya) falsafa keliya ma aha. Falsafo intuu ninka meeshaan la fadhiisto isaga uu (Tandiirin) oo uu ka hadli oo uu soo jeedin keliya ma aha, laakiin waa madhab u degayaa dadkaan noloshooda oo u degaaya masaalixdooda caamka ahaa.
- oo dawladooda taabanaaya
- oo madaxdooda taabanaaya
- oo dgiigooga taabanaaya
- oo xoolahooda taabanaaya
- oo cidigooda iyo sharfkooda taabanaayo.
Waa madhab hoos u degaayo oo aan falsafad korkaa un wareegeysa ahayn, markaaba dadka ku qancaaya waxa ay bilaabayaan inay mujtamciis muslimka meelahii ugu qatar sanayd ka garaacaan. Marka ma aha madaahibta kale, madaahib badan baa waxay iska tahay, waa madaahib (Kalaamiya) iyo falsafa ah iska (Caaliqa) ah oo in badanba dhulka aan u soo dageeynin waaye, madhabkani marka halistaa ayuu leeyahay.
Mubaarasaad iyo Tadbiiqaad qatar buu leeyahay.
Qatartiisa waxaa ka mid ah:
Madhabkan khawaarijta siduu Nabiga sheegay (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) kuma eka xilligii Saxaabada (rc) qolodii soo baxday ee muujisatay keliya kuma eka.
Bal Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) waxaa ka sugan inuu sheegay kolba inay soo bixi doonaan oo la madax jabin doono oo soo bixi doonaan oo la madax jabin doono ilaa kooda ugu dambeeyo uu (Dajjaal) la soo baxo.
Bi macnaa maxaa laga wadaa?
Waa madhab jiri doono weeye ilaa (Aakhiru Zamaanka) wuu jiri doonaa, dad haysto la waayi maayo. Magacyadu ha kala gedisnaadeen oo waxaa laga yaabaa inay magacyo kale la bax baxaan.
- Meelba
- Waqtiba
- Wadanba
Inay magac ku soo baxaan baa dhici karto laakiin (Usuusha) iyo (Madhabku) wuu isku mid yahay. Zamanka is qilaafaya iyo magacyada is qilaafaysa wax badan marka ka bedelin maayaan.
Markuu keenay » شيخ الاسلام ابن تيمية xadiiskii Cali ibn Abii Taalib (Fii Saxiixeyn) ee ku saabsanaa la dagaalankii Cali (rc) uu la dagaalamay iyo ninkii calaamada lahaay la dilay, arinkaa markuu ka hadlaaya « شيخ الاسلام ابن تيمية «رحمه الله wuxuu yiri:
Ninka oo gacanta cududeeda cad hilib oo sida naaska dumarka oo kale ku leh ee kooxdii ugu horeysay ee Cali (رضي الله عنه) la dagaalamay astaantii calaamada u ahaa, calaamadaasi kooxdii ugu horeysay un bay calaamad u ahayd.
Khawaarijta qaas kuma aha kooxdaa xiligi Cali (رضي الله عنه) jirtay lala dagaalamay.
Nabiga wuxuu sheegay (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) in ay jiri doonaan oo soo bixi doonaan ilaa (Dajjaal) waqtigiisa laga gaaro.
Muslimiinta waxay isku waafaqeen buu yiri khawaarijta (Nusuustu) ka hadleyso inay qaas ku ahayn ciidankii waagaa meeshaa isku urursadeen Cali (رضي الله عنه) la dagaalamay inaynaan qaas ku ahay.
Sifooyinkii tilmaantaa axaadiista bixisay oo khawaarijta ku sheegtay ciidankaas xiligaa soo baxay kooxdaana waa laga helay. Sifaadka kooxa kale waa laga helayaa waa caan buu leeyahay.
Saas daraadeed baa Saxaabada waxay u arki jireen axaadiista khawaarijta ku soo aroortay inay axaadiis furan ay tahay oo aan waqti qaas ku ahayn.
Marka wey jiri doonaan wey soo baxaayaan, wey imaan hadana wey baa’bi hadana wey soo bixin saas ayay ahaaney taasay tilmaameysaa.
Goormay Soo Baxday Kooxdani
Intaa kadib waxaa is weydiin leh kooxdani goormaa u horeysay ooy ku soo biirtay dhulka goormay timid goormay soo baxday laba qaybood baan u kala qaadeynaa.
- Fikirka iyo
- Koox ahaan
Fikirku wuxuu soo baxay Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) oo nool, Nabiga noolashiisii buu fikirka soo baxay laakiin koox ahaan isku uruursatay oo xoog leh oo ciidan ah oo meel degtay oo fikirka ku qanacsan wey dambeysay oo xiligii Cali (رضي الله عنه علي بن أبي طالب) waan u tegi doonaa dagaalkii (Siffiin) ee reer (Shaam) iyo Cali dhex maray markii laga soo laabtay xiligaasuu noqday bixitaankooda ay koox ahaan u soo baxeen, darsigeena oo caawa aan qaadan doono ayuu ka mid yahay (إن شاء الله تعلي).
Ninkii Ugu Horeeyay Ee
Fikirka Khawaarijta Muujiyay
Fikir ahaan xiligii Nabiga (scw) ayay soo Baxeen
Waxaa ku tusaaya laba hadiith baa ku yimid, xadiith waa xadiiska Jaabir ibn Cabdillaah, xadiis kalena waa jiraa laakiin labadaan ayaan ku gaabsaneynaa, [Muslim baa soo saaray fii saxiixihi].
Wuxuu leeyahay Muslim:
Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) dagaalkii (Xuneyn) markuu ka soo laabtay oo jir ciraale markuu maraayo oo halkaas jooga ayaa nin baa u yimid. Nabiga marka wuxuu qaybinaayaa (Fiduu) qaybinaayaa, marada Bilaal (رضي الله عنه) fida ku jirta ayuu Nabiga qaybinaayaa (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم), intuu ka soo cantoobiyo marada buu dadka kala siinayaa u kala qaybinaayaa.
‘’Ninkii markuu soo istaagay oo arkay Nabiga oo fidada qaybinaaya ayuu wuxuu ku yiri (Yaa Muxammad Icdil) buu yiri.’’
Muxammadoow cadaalad sameey, waxaad wado waa eexasho iyo cadaalad daro ee cadaalad samee buu ku yiri.
Markaasu Nabigu (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) wuxuu yiri:
‘’Habaar kugu dhacyee yaa cadaalad sameynaaya hadii aniga cadaalad leyga waayo. Waan qasaaroo waan halaagsamay hadaanan cadaalad sameeneynin.’’
U fiirsada marar badan baan xadiiska tilmaami doonaa iyo kan soo socdaba markaan ka hadleyno afkaarta khawaarijta iyo sifaaadkooda.
Yacni Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) qaybintiisii iyo xukunkiisii iyo ficilkiisii buu wuxuu leeyahay waad qaldan tahay, oo maxaa saxsan waxaa saxsan dee aniga siday ila tahay, aniga siday ila tahay oo ila quman tahay inaad wax u qaybisaa sax ah, sida adiga ay kula tahayna waa cadaalad daro iyo jaw ee Ilaahay ka baq buu ku yiri.
Cumar عمر بن الخطاب رضي الله عنه baa marka wuxuu yiri:
‘’Rasuul Allow I daa munaafiqaan aan dili oo qoorta ka jaro,’’
Markaas Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) wuxuu yiri:
‘’Waxaan Ilaahay magan uga ahay in dadku ku sheekeestaan Maxammad saxaabadiisii buu leeynayaa.’’
Sumcada iyo dacwada magaceeduu ilaalinaayaa Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) waa xadiiskii aan ka jeedinay muxaadaradii ahayd (Islaamu beyna Tashwiih Acdaa’ihi wa aqday Abnaa’ihi) yacni waxa weeyaan ninkaasi (Jariimad) intaa la ek Nabiga ka galay (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) bal sharciga ka galay.
Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) wuxuu isaga daayay calaashaan dadkii buu ku dhex jiraa saxaabadii buu ku dhex jiraa lama kala yaqaano dadka kale iyo ummadaha kale nin un oo saxaabadii ka mid ah baa loo haystaa, hadii la dilo soo war baximaaya, Maxammad intii kaleeto soo dhaafay buu ragiisii eber ka dhigaayaa dadku ku sheekeesan iga daa buu yiri.
Markaasuu Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) waxa uu yiri:
‘’ Kan iyo asxaabitiisu ama kan iyo ragiisu quraankay akhrihayaan buu yiri halkaa kalxamahana u dhaafi maayo ma fahmaayaan waaye (Fiqi) maleh diinkey ka dhex baxaayaan sida leebka ugu dhex baxo meesha lagu ganay oo kale, hadafka lagu tuuray siduu ugu dhex siibto oo kaley diinka ugu dhex siibanaayaan.’’
[Xadiithkaan Muslim baa soo saaray]
Muxuu tilmaamayaa marka?
Ninkaasi waa ninkii ugu horeeyay oo fikirka khawaarijta muujiyay waaye yuu ka hor muujiyay Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم). Nabigana wuxuu yiri raga ninkaa fikirkiisa ku raaci doona oo imaan doona tilmaamahaas ayay leeyihiin.
Qisadii Labaad
Qisada labaadna sida ay ku timid waxay ahayd Cali ibn Abii Taalib Nabiga waa kii Yemen u diray, yemen buu wuxuu ka keenay… (taasi waxay ahayd sannadkii sideedaad), sannadkii sagaalaad baa hadan Cali ibn Abii Taalib baa yemen wuxuu ka keenay (Dahab), dahab buu Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) qaybinaayay.
Afar oday oo reer (Najdi) ah oo odoyaashii caanka ahaa ayuu Nabi (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) dahabkii u kala qeybiyay.
Afarta oday waxa weeye:
- Aqrac ibnu Xaabis al-Xandali
- Cuyeeyna ibn badri al-Fazaari
- Calqamtu ibnu Cuyaaza al-Caamiri
- Zeydil Khayr at-Taa’ii
Afar oday ayuu u qaybiyay, waxaa carootay (Qureesh) marka waxay yiraahdeen.
Ma intuu madaxdii iyo odayaashii reer (Najdi) siiyay buu anaga naga tagaayaa oo na qadinaayaa. Markaasaa Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) wuxuu ku yiri:
War waxaan saa u yeelay xikmad baa ku jirto odayaashani waa odoyaal, diintoodaan u baqayaa oo xoogaa xoolahaasaan ku soo jiidahayaa maslaxadaasaana ugu qaybiyay. Hada saxaabada iyo raga kale waa qancaayaan markii loo sheego siday wax u jiraan iyo xikmad.
Nin baa soo booday, waa nin gar weyn, labada (koodna) waa soo baxsan yihiin, indhuhuna gudahay ku jiraan oo waa god bey ku jiraan (Dhabankuna) waa soo taagan yahay, waa madax xiiran yahay.
[Nin aad jin jin moodaba] ayaa soo booday. Markaasuu wuxuu yiri:
‘’Ilaahay ka baq buu yiri Maxammadoow.’’
War maxaa dhacay…
Markaasuu Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) waxa uu yiri:
‘’Hadaan Ilaahay caasiyo yaa Ilaahay adiici buu yiri.’’
Hadii Nabi Maxammad Rabbii caasiyo yaa laga sugaayaa in uu Ilaahay adiico.
Markaasuu Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) waxa uu yiri:
‘’Ilaahay ma wuxuu igu aaminayaa dhulka inta joogto idinkuna ima aamineysaan miyaa.’’
Allahii kor jiray samada jiray baa igu kiin aaminay idinkana waad I aamin la’dihiin.
Ninkii waa jeesaday oo waa is laabay markiiba.
Nin saxaabada ka mid ah oo ay markii ay lahaayeen Khaalid ibn Waliid (rc) buu ahaa wuxuu yiri Rasuulkii Ilaahayow ninkaan igu fasax aan dilee.
Markaasuu Nabiga (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم) waxa uu yiri:
Maya iska daa’
‘’Markaasaa wuxuu yiri ninkaan asalkiisa ka soo bixi doono qowm oo quraanka akhrinaaya kalxamahana uusan u dhaafeynin, dadka ahlul Islaamka ah bey leyn doonaan (Ahlul Authaanka) iyo gaaladana wey ka tagi doonaan wey is deeyn doonaan, Islaamkay ka dhax bixi doonaan, ka dhex siibanaayaan meesha lagu ganay iyo hadafkiisa oo kale.’’
Markaasaa wuxuu yiri:
‘’Inta aan noolahay haday soo baxaan (koox ahaan waaye), waxaan u leyn doonaa sidii reer (Caad) Ilaahay u baabi’yay oo kaleeto.’’
Waan u tagi doonaa xukunkooda iyo axaadista ku soo aroortay.
Labadaa xadiisba waxay muujinaayaan, (Fikrul Khawaarij) asalkiisu wuxuu soo baxay Nabiga Maxammad oo nool (csw), laakin weli koox ahaan intay xoogeesatay oo (Adbaac) yeelatay fikir ciidan yeeshay oo banaanka u baxay ma noqonin. Laakiin fikir ninkaasi soo saaray Nabigana markiiba uu ka digay hadana iska qarsoomay buu noqday.
Markaa ka dib Nabiga waa geeriyooday (scw).
- Abuu bakar baa xilka ugu dambeeyay mudoo haayay
- Cumar baa ugu dambeeyay, mudoo haayay
- Cuthmaan baa ugu dambeeyay mudo haayay.
Intii hore ilaa laga soo gaaro (Khilaafadii) ama (Khalaafadii) Cuthmaan qaybteedii dambe ilaa laga soo gaaro, intaa hore oo dhan Muslimiinta dhexdooda wax khilaaf ma gelin, wax (Furqa) ah ma gelin, lama kala jabin, lama qaybsamin, leysma leynin, leysma gaaleeysiinin, way jirtaa (Masaa’il) leysku khilaafay. Laakiin (Mas’alo) kasta saxaabadu isku khilaafaan laba mid bay ahaan jirtay:
In markii khilaafka soo baxo kadib leysku waafaqo (Ijmaac) yimaado, markii la (Niqaashay) kadib laysku raaco, sida mas’aladii khilaafada markuu Nabigu dhinta (csw) … yaa xilka loo dhiibaa, markii dambana waa tii Abuu Bakar ku dhamaatay sooma aha.
Sidii mathalan (Xuruubu Rida) sooma aha?
Yacni dadkii diinta ka noqday oo (Ridoobay) la dagaalan koodii, markii hore Cumar kadibna waa leysku waafaqay Abuu Bakr iyo Cumar waa tii u (Niqaashku) dhex maray.
Waxaa kaloo ka mid ah mas’aladii:
Quraanka jamcintiis, soo soco mas’alo isku qilaafeen ma jirin ilaa marka dambe ama ijmaac bay ku dhamaataa ama hadaynaan ijmaac ku dhamaanin waxaa ee yacni (Mas’alo Ijtihaadiya) uu ijtihaadu nadarkooda isku khilaafsan yahay laakiin aan lagu kala tagin, furqo iyo gaaleeysiin iyo dagaal iyo kooxeeysi dhicin bey iska ahaan jirtay oo iska ishtihaadi ah saaseey marka mas’aladu ku socotay.
Waa miduu leeyahay (ibn tayymiya) khawaarijta iyo shiicada markuu ka hadlaayay. Waxay soo baxeen buu leeyahay Cuthmaan (رضي الله عنه عثمان بن عفان) markii la dilay ka dib.
Mudadaa wey is waafaqsanaayeen Muslimiinta khilaafna ma jirin. Khilaafadii cuthmaan sannadahii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxay arimo waxa keenay nooc oo qaybsan, arimahaasi wuu iska (Ijmaaliay) laakiin intooda badan waxay ahaayeen (Ijtihaadaad) uu sameeyay khaliifku oo ku saabsan jagada iyo mas’uuliyaadka dad uu u dhiibay iyo xoolo uu qaybiyay, wixii isaga (Ijtihaadkiisa) iyo awoodiisa ahaa (Salaaxiyaadkiisa) uu lahaa bay ahayd.
Tii baa rag intay buun buuniyeen oo ay (Taxriifiyeen) oo shaqo ka dhigteen bay balaayo ka abuureen halkaasay marka (Furqada) ka timid.
Wuxuu yiri:
Qolyo balaayo qabo oo fidna wada yaal ah, oo dulmi wada ayaa kacay Cuthmaan bay dileen.
Cuthmaan marka la dilay baa marka la qaybsamay waan u tagi doonaa.
Cuthmaan dilkiisii ayay wax walba ka bilowdeen.
Intaa kadib wax yar waxaan rabaa inaan is dul taago ama aan dib uga yara noqono fikirka khawaarijta xiligii Nabigu fikir ahaan soo baxay bilowgiisii hore. Laakiin koox ahaan seey ku yimaadeen?
Taariikhda sida (Xadathka) taariikhda ahaa baan rabaa wax inaan si gaaban u dul maro (Maqsuudkuna) ma aha inaan dhacdooyinkaasi tafaasiil u galo, laakiin inaan idin soo gaarsiiyo ama aan soo gaarno khawaarij xiligay bixi doonaan muhimada waa taas weeye.
Dilkii Cuthmaan ibn Caffaan
Saan sheegnayba Cuthmaan ibn Caffaan (رضي الله عنه) sanadahiisii ugu dambeeyay (Tasrufaat Ijtihaadi) ah oo uu xaq u lahaa ayuu sameeyay dad baa qoonsaday, fitnay abuureen, kacdoon baa ka dhashay (Masar) iyo meesha inta la aaday ayaa kooxo munaafaqiin oo (Sanaadiqo) ahoo diintaaba ugu jirayba inay dumiyaan iyo kooxa kaleeto iska caqli gaab ah iyo kuwo Islaamnimada isaga cusub iyo kuwa fitno wadayaal ah balaayaa iskaashatay.
Kadibna dhulkaasaa waxaa ka bilaawday sheeko ah Cuthmaan iyo eedeeytiinsa;
- Kanuu sameeya, kanuu sameeyay ma ogtihiin
- Wuu eexday ma ogtihiin
- Xoolihii buu ku (Tasarufay) ma ogtihiin
- Sidanuu sameeyay ma ogtihiin
Wixii baa dadkii lagu akhriyay hoostaasay ka socotaa, balaayaa kacday marka Cuthmaan (رضي الله عنه) baa lagu kacay, yaa ku kacaaya?
- Ma aha Saxaabadii iyo
- Muhaajiriintii iyo
- Ansaarii ma aha
- Ardadii Nabiga () ma aha
Sidaad daraadeed baa riwaayaadka saxiixa ah, riwaayaadka aan sugneyn (Abii Mikhnaq) iyo riwaayaadkiisa oo dhaciifka ah ama mowduuca ah waxa ay sheegayaani ma ehee, riwaayaadka saxiixa ah hal nin oo muhaajiri ah ama ansaari ah oo ka qayb qaatay fitnadii Cuthmaan lagu dilay ma jiro, hal nin ah ma jiro, iska dhaaf iyaga xataa muhaajiriinta caruurtoodii hal nin oo ka qayb qaatay ma jiro oo galay markii laga reebo (Muxammad ibn Abii Bakar as-Siddiiq).
Abuu bakar as-Siddiiq wiil uu dhalay oo iska yaraa oo fidnada dhex galay, kooxdii masar ka duushay ee kacdoonka waday Cuthmaan ku soo duushay buu ka mid ahaa, asagana markii Cuthmaan Madiina la yimid daartii iyo xafiiskii uu dawlada ka maamulaahaayay ay isku wareejiyeen kooxdii kacdoonka waday oo inteey u galeen gudaha ragii u galay buu ka mid ahaa Muxammad ibn Abii Bakar as-Siddiiq.
Riwaayada saxiixa ah waxay tilmaameeysaa Muxammad ibn Abii Bakar as-Siddiiq wuxuu qabtay Cuthmaan garka.
Markaasuu Cuthmaan (رضي الله عنه) wuxuu ku yiri:
‘’ Gar waxaad qabatay Aabahaa uu karaameen jiray.’’
Muxammad bin Abii Bakar as-Siddiiq waa isku yax yaxay, waa isku naxay intuu isdaday buu meeshii ka baxay halkaasaa ugu dambeeysay. Qaskii hore waa ka qayb qaatay laakiin dil Cuthmaan kama qayb qaadanin, dilka gacan kuma lahayn intaa markuu Cuthmaan xusuusiyay buu iska noqday. Arintaasi riwaayaad sugan bay ku sugan tahay inuusan xataa Maxammad ka qayb qaadanin saxaabi kaleba iskaba daa.
Qoladaa markay soo duushay oo magaalada Madiina yimaadeen oo Cuthmaan inay dilaan ku tala galeen, magaalada Madiina waxaa ka buuxa Muhaajiriintii iyo Ansaartii ka buuxa ragii dhulka furtay ee kuwaan soo Islaamiyay ee (Futuxaadka Islaamka) meel walba diinta gaarsiiyay iyo (Towxiidka) rageedaa meesha jooga halyeey oo dhan baa meesha ku idil.
- Dalxaa jooga
- Zubeyr baa jooga
- Cali baa jooga oo ragoo dhan baa meesha ku idil
Khaliifkii nimankan markay isku wareejiyeen oo damceen inay dilaan waa loo soo gurmaday Saxaabada baa u yimaadeen weyna ka tiro badnaayeen weyne ka xoog badnaayeen raga reer Madiina markaa joogay (Suwaartan) kacdoonka wado wey ka xoog badnaayeen.
Khaliifka ayay u yimaadeen waxay yiraahdeen waxaan rabnaa inaan ku difaacno nimankaana waxaan rabnaa inaan kala tuurno inaan leynaan rabnaa Cuthmaan wuxuu yiri;
‘’Hadaan xag idinku leeyahay buu yiri oon khaliifkiinii ahay oo inaad I adiicdaan amarkeey iga qaadataan xaq aan idinku leeyahay sababteyda dhiig ha u daadinina, kiinana sababteyda ha u daadinina idinma xalaaleynaayo kac iska taga, ha I difaacina.’’
Hada khaliifkii muslimiinta haduu ku yiraahdo amar ku siiyo soo inaad amarkiisa adiicdo maha? Magaaladaa leysaga laabtay, waa lagu soo noqday war nimankaan wey ku dilaayaan!
Ha I dilaan buu yiri, idinku dhiigna sababtayda ha u daadinina xataa wax yar oo (Toowinka) bahalka toowinka lagu qaado mugiisoo kale ah intaasoo kale sababtay ha u daadinina iska noqda.
Nimankii (Thuwaarta) ee kacdoonka waday Cuthmaan wey wada hadleen aad buu ula hadlay wuxuu kala hadlay wuxuu ahaan jiray () diinta wuxuu u soo qabtay inuusan dil mudnayn waxay ku sheeganaayaan buu isku dayay inuu ka qanciyo, marka dambe wey qanciwaayeen wey u soo galeen wey dileen.
Waxay yiraahdeen xilka ka deg mas’uuliyadana wareeji ka dhax bax bey dheheen Cuthmaan marka wuxuu haystaa dardaaran Nabiga ugu tagay (scw) oo dhahaaya xadiithka Caa’isha (rc) ibn Maajah iyo khayrkii baa soo saaray waa xadiith sugan weeye.
Wuxuu leeyahay: Nabigaa Cuthmaan la dardaarmay ileyn Nabiga wuu u sii sheegay xiligiisa inuu la kulmi doono fitan uu la kulmi doono iyo balaayooyin xadiithkii Abuu Muusaa iyo khayrkii ragii jannada loogu bishaareeyay
(I’dan lahu) siduu u lahaa Cuthmaan marka la soo gaaray.
(I’dan lahu wa bashirhu bil Jannah calaa balwatu tusiibuhu) buu Nabiga yiri (صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّم).
Ha soo galo Jannada ugu bishaaree balaayooyin iyo masaa’ib iyo fitan ku dhici doono iyadoo jirta.
Marka Nabiga (scw) dardaaran buu siiyay Cuthmaan wuxuu ku yiri:
‘’Hadii maalin xilka muslimiinta aad qabato, oo munaafiqiin inay kuu yimaadaan ay ku yiraahdaan khamiiska bixi, khamiis Ilaahay (swt) kuu geliyay ha bixinin buu ku yiri.’’
Xilka ma munaafaqiin baa u dhiibtay? Maya
Khamiiskaan Ilaahay (swt) baa u galiyey muslimiinta waa isku waafaqday, xilkana ayagaa u dhiibtay khamiiskaa ha u siibin hana u (Tanaazulin) buu ku yiri. Cuthaam wuxuu ku yiri marka mana ka tanaazulaayo xilkana ma dhiibaayo. Cuthmaan (عثمان بن عفان (رضي الله عنه waa la dilay xadiiskaasi (Ibna Maajah ibn Abii Caasim) baa soo saray.
Waxaa la dilay bisha Dil-Hijjah 18 ah taariikhda hijrigu markay ahayd 35. Riwaayada saxiixa ah siday tilmaameyso, waxaa dilay nin reer Masar ah oo madow ayaa dilay magacyadiisa siyaabo kala gedisan baa lagu sheegay.
Cuthmaan markii la dilay magaaladii Madiina ayagaa haysta qoladaan, saxaabadiina maadaama khaliifkii yiri ha dagaalamina guryaha iyo magaalada ayaa layska joogaa, khaliifkii waa la dilay xataa masaajidkii ayagaa dujinaaya salaada thuwaartaa dujinaaya oo Cuthmaan baa loo yimid waxaa la yiri nimankii fidnada ayaa na dujinaaya maxaan sameynaa?
Ku daba dukada buu yiri.
Cuthmaan markii la dilay ka dib waxaa lala (Mubaayacooday) oo markiiba saxaabada u dag dageen (علي بن أبي طالب (رضي الله عنه.
Cali ibn Abii Taalib wuxuu ka mid ahaa dadkii aadka uga murgay aadna uga xumaaday dilka (عثمان بن عفان (رضي الله عنه
Riwaayaadka saxiixa ah waxay tilmaamaayaan mar kastaa inay saxaabada markiiba Cali u dag dageen inay la mubaayacooday (Ahlul Xali wal Cadliga) ayaa u tagay. Sida riwaayada Maxammad ibn Xanafi wiilkii Cali ibn Abii Taalib uu warinaayo, waa loo yimid Cali baa loo yimid oo waxaa la yiri muslimiintii khaliifkooda waa la dilay, mas’uul la’aana ma noqon karaan, (Amiir) la’aana ma noqon karaan saas daraadeed cid ku dhaanta ma hayno.
- Nabiga ina adeerkii baa tahay
- (Sihrigiisii) baa tahay,
- Gabadhiisii baad qabtaa,
- Ragii ugu horeeyay ee diinta qaatay ee islaamay baa tahay
Wax maanta kugu dhaamo ma haynee xilka qaad Cali waa diiday wuxuu yiri nin idinka mid baan noqon ee cid kale haloo raadiyo xilka.
Waa lagu laabtay wey ku celceliyeen ilaa markii dambe uu ogolaaday, markaasuu wuxuu ku yiri hadaad iga deyn weydeen (Beycada) iyo xilka aan qaadaayo qarsoodi ma noqoneeysee masaajidka ina geeya meeshaasaan beycada ku geli, oo beycada la igula galaayaa. Masaajidkii baa la yimid isaga oo weliba Cali loo baqaayo hadii masaajidkii la yimidna meeshaasay beycadii kula galeen Muhaajiriintii iyo Ansaartii.
Dadkii beycada la galay waxaa ka mid ahaa (Kibaarul Fuquhaa Saxaaba) ansaar iyo muhaajiriin:
- Dalxatu ibn Cubeydullaahi baa ka mid ahaa
- Zubeyr baa ka mid ah
Raga qisadooda dib ka imaan doontaa dhan baa beycada la galeen cid khilaaftay majiro (Cala-Saxiix) oo Cali beycadiisii cid khilaafsaneyd ma jiro ama ka hor timid, sidaasuu Cali (رضي الله عنه) wuxuu ku noqday Khaliifkii 4aad ee Muslimiinta uu xilkii ku qabtay.
Waa inoo darsiga xiga…!
Wa Billaahi Tawfiiq
Magacyada Saxaabada ee darsigan aan ku soo qaadanay waxaa ka mid ah:
- Abu Bakar (As-Siddiiq) —— (أبو بكر الصديق (رضي الله عنه
- Cumar bin Al-Khattaab —— (عمر بن الخطاب (رضي الله عنه
- Cuthmaan bin Caffaan —— (عثمان بن عفان (رضي الله عنه
- Cali bin Abii Taalib ————- (علي بن أبي طالب (رضي الله عنه
- Caa’isha bintu Abu Bakar — (عائشة بنت أبي بكر (رضي الله عنها
- Dalxata bin Cubeydillaah — (طلحة بن عبيدالله (رضي الله عنه
- Al-Zubeyr bin al-Cawaam — (الزبير بن العوام بن خويلد (رضي الله عنه
- Mucaawiye bin Abii Sufiyaan – (معاوية ابن أبي سفيان (رضي الله عنه
- Maxammad bin Abu Bakar – (محمد بن أبي بكر (رضي الله عنه
…. iyo qaar kale.
Inshaa Allaah darsiga weli wuu sii socdaa, waana soo dhameystiri doonaa haduu Ilaahay (swt) inoo fududeeyo, li’ana wax sahal ah ma jiro ilaa uu Ilaahay (swt) sahal ka dhigo mooyee. Fadlan waxii faahfaahin ah ama qaladaad aad meesha ku aragtaan kala xiriira emailka qoraaga casharadaan oo hoos ku qoran. Wa Jazaakum Allaahu Khayran.
0 comments:
إرسال تعليق