Qisasal Ambiyaa

Qisasal Ambiyaa
Qisas Wa Taariikh: Qisooyin ka Sugnaaday Rasuulka (scw)
Qisas Wa TaariikhQore: Axmed Cabdisamad
Qisooyin ka Sugnaaday Rasuulka (scw)
Qormadani waxay hordhac u tahay silsilad taxane ah oo aan ku soo bandhigayno tiro ka mid ah qisooyinka Rasuulkeennu (SCW) uga sheekeeyay asxaabta; si ummaddiisu ugu cibro qaadato. Waxaan isku dayaynaa in aan qisada ka dib muujino wax ka mid ah duruusta iyo faa’iidooyinka ku jira qisada.
Waxaan kale oo is ku dayaynaa in aan muujino meelaha aynu iska shabbahno innaga iyo ummadahaas hore oo Rasuulku (SCW) ka sheekaynayo ha ahaato isu ekaansho wanaagsan ama mid xune.
Qisadu waa in looga sheekeeyo dhacdooyinka iyo hawlaha hab luqadeed oo ku dhammaanaya ujeeddo laga lahaa warinteeda. Qisadu waa nooc ka mid ah noocyada suugaanta oo dadka naftoodu jeceshahay, ay u dheg raariciyaan, una daneeyaan si aysan u danayn suugaanta kale.
Continue reading 
“Qisas Wa Taariikh: Qisooyin ka Sugnaaday Rasuulka (scw)”

0

Nebi Sulaymaan (Caleyhi Salaam)
Nabi Sulaymaan
Caleyhi Salaam
Qisasal Ambiyaa| Nabi Sulaymaan (Caleyhi Salaam)
Naxariis iyo Nabadgalyo Eebbe Korkiisa Ha ‘Ahaataye
Decorative Lines
Nebi Sulaymaan
Iyo Xikmadaha Ku Qarsoon
Waa taxane aan ugu talo galnay in ay dadku la noolaadaan Quraanka kariimka ah oo ay noloshooda ugu dabaqaan, una arkaan oo ay islamarkaasna u dhadhamiyaan sidii uu iyaga ku soo degay oo kale. Waxaa mahadda iska leh ilaaha uumay khalqiga kiisa wanaagsan iyo kiisa xun ee inagu manaystay jawharka qaaliga ah iyo ilayskaan damayn(islaamka) waxaana ammaan iyo wanaag u sugnaaday Nebigeenii, sayidkeenii,hogaamiyaheenii, macalinkeenii, Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, hooyooyinkii muuminiinta iyo saxaabadii iyo intii ku raacday xaqa ilaa uu ilaahay ka dhaxlayo dhulka.
Continue reading 
“Nebi Sulaymaan (Caleyhi Salaam)”


0

Nabi Aadam (Caleyhi Salaam)
Nabi Aadam
Caleyhi Salaam
Qisasal Ambiyaa| Nabi Aadam (Caleyhi Salaam)
Naxariis iyo Nabadgalyo Eebbe Korkiisa Ha ‘Ahaataye
Decorative Lines
Qisadii| Nabi Aadam
(Caleyhi Salaam)
Sheekooyinka Nabiyada Ilaahay soo diray naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkooda ha ahaatee waxaa innoogu sugan wax ku qaadasho, taasoo sida uu Eebbe korree oo nasahanaaye Quraanka Kariimka ah innoogu sheegay ay tahay inaynu waano iyo wax ku qaadasho iyo waliba ku dayasho wanaagsan ay innoo noqdaan si aynu u liibaanno adduun iyo aakhiraba aynuna guul iyo raalli ahaanshaha Ilaahay helno.
Continue reading 
“Nabi Aadam (Caleyhi Salaam)”


0

Nabi Yuusuf (Caleyhi Salaam)
Nabi Yuusuf
Caleyhi Salaam
Qisasal Ambiyaa| Nabi Yuusuf (Caleyhi Salaam)
Waxa si wada jir ah u diyaariyay:
C/fataax Xasan aadan iyo
Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
Decorative Lines
Qisadii| Nabi Yuusuf (cs)
Intayna anan bilaabin qisada Nabi Yuusuf (cs) waxa haboon in aan dhoor calamadood aan tilmaano, waxa kala duwan sida loo soo kala wariyay qisooyinkii nabi yusuf (cs) laakiin nebi yuusuf (cs) qisadiisa oo dhamaystirin waxay ku sugan tahay surad ka mid ah suurada quraanka laakiin Nabiyada kale dhoor suuradood ayay ku kala qoran yihiin, Illaahay waxa uu yidhi suurada yuusuf gudaheeda:
Anagu waxa aan kaaga warami doona qisooyinka ta ugu fiican taas oo aan kuu soo waxyaano adiga quraankan, laakiin ka hore waxaad ahayd kuwa moogan.” (3) [waxa looga jeeda Nabi maxamed (scw)]
Continue reading 
“Nabi Yuusuf (Caleyhi Salaam)”


0

Qisasal Ambiyaa: Nabi Muuse (Caleyhi Salaam)
Nabi Muuse |Caleyhi Salaam
Qisasal Ambiyaa| Nabi Muuse (Caleyhi Salaam)
Qisadii: Nabi Muuse (cs)
Waxa si wada jir ah u diyaariyay:
C/fataax Xasan aadan iyo Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
Decorative Lines
Qisadii| Nabi Muuse (cs)
Mudadii xukunka masar uu haystay Nabi Yuusuf (cs) dadka reer masar waxa ay noqdeen dad illaahay (swt) kalinimadiisa rumeyey, waana waxa loo soo diray anbiyada oo dhan, dhimashadii Nabi Yuusuf ka dib Reer masar waxa ay ku noqdeen halow iyo shirki, reer binu israa’ilna waxa ay dhex gelaan mushtamicii masar, badhbaa halaabay oo diinta ka baxay badh kalena waxa ay ku soo hadheen tawxiidkii wayna farabateen reer binu  Israa’iil waxana korodhayn tiradooda.
Continue reading 
“Qisasal Ambiyaa: Nabi Muuse (Caleyhi Salaam)”


0

Qisasal Ambiyaa: Nabi Ibraahim (Caleyhi Salaam)
Qisooyinka
Nabi Ibraahiim
Qisasal Ambiyaa| Nabi Ibraahim (Caleyhi Salaam)
Qisadii: Nabi Ibraahim (cs)
Waxa si wada jir ah u diyaariyay:
C/fataax Xasan Aadan iyo Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
Decorative Lines
Qaybtii |1aad
Waa khaliilkii illaahay (swt) ugu doortay risaaladiisa ee uu ka fadilay in badan oo khalqigiisa ah, Ibraahim waxa uu ku dhex noola qoom caabuda xidigaha arinkaan raali kamuu ahayn waxa uu dareemay iimaankiisa in uu jiro illaah ka weyn waxan ay caabudayaan ilaa illaahay hadeeyay una doortay siraaladiisa, Ibraahim waxa uu u yaboohay goomkiisi kalinimada illaahay (swt) iyo cibaadadiisa laakiin way beeniyeen waxana ay isku dayeen in ay gubaan illaahayna (swt) waa uu ka badbaadiyay, Tafiirtii Nabi Ibraahim (cs) waxa ahaa Nabi Isaxaaq iyo Nabi Ismacil, Nabi Ibraahim (cs) waxa uu dhisay Kabcada waxana ku welininayeen Ismacil.
Continue reading 
“Qisasal Ambiyaa: Nabi Ibraahim (Caleyhi Salaam)”


0

Qisooyinka Ugu Wanaagsanaa
Qisooyinka Ugu Wanaagsanaa
أحسن القصص  –  قصص الأنبياء
Qore: CabdiRisaaq Maxamed
Cilmi “ina Warfaa”
Ambiyada: Waa Qisooyinka
Ugu Wanaagsanaa
Decorative Lines
Kitaabka
Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo kitaabkan oo ma dhowrsana. La soo xiriirka qoraha ee ku saabsan kitaabka. Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka qoraha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa “e-mailkiisa” oo ah:  ina_warfaa@hotmail.com.
Mahadnaq
Waxaan ugu horrayntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii igu caawiyey talo, fikrad iyo dhiiragalin waxaan idin leeyahay  جزاكم الله  خيرا .
Continue reading 
  1. “Qisooyinka Ugu Wanaagsanaa”

0 comments:

إرسال تعليق


taabo sawirkan subscribe saar

INTAQOF EE NASOBOQATEY

Unordered List

Untitled-2

sawirkaan taabo subscribe saar

Kadegso halkan xusnul muslim afsimali