الثلاثاء، 15 يناير 2019

Xijaabka Yaa U Xiray ?!!!

Xijaabka Yaa U Xiray ?!!!..(1)   Qore Sheekh Maxammad Idiris

((Qisadan muddo ayaan gacanta ku hayey oo aanan soo deyn, anoo markii ay isoo
gaarteyba u arkayey iney tahay Qisa cajiiba, oo shilis, laakiin u baahan waqti inaan siiyo, warqadda dheer ee gabadha walaasheen ah ii soo qortayna aan dib u qoro, iyadoo aan sideeda lagu daabici karin. Hayeeshee sida caadadeennu ahayd, qisooyinka aynu boggan fb kusoo bandhigno, inaanu kala soo baxno sheekada nuxurka iyo cibrada sheekada ku jirta ee akhristayaashu ka faa'iidaysan karaan, ka dibna safara badan iyo mashruucyo qoraallo iyo dacwo oo kala duwan ayaa innaga soo dhex galay, maanta ayaana qadartu noqotay inaan soo bandhigo. Waxaan dhawr goor waraysi ugu noqday Gabadha Qisadu ku socoto, si aan meelaha qaar u hubsado. Qisada oo dhan wexey noqotay inaan dib u qoro, anigoo dhawraya dhacdooyinku sidii ay ahaayeen, mararka qaarna soo qaadanaya cibaarooyinka iyo weedhaha sidii ay gabadhu iigu soo qortay.. Qisadu wexey ka dhacday meela soomaaliya ka mid ah, iyo wadama aan Soomaaliya ahayn, wexey ku socotaa gabadha aan u bixiyey, (Qamar) iyo Walaasheed (Cadar).. Waxaase soo gelaa baxaya shakhsiyado kale, sida Hooyada, Awoowaha, Aabaha, Laakiin Qisada waxaa Dawrkeeda weyn ku socdaa gabadha (Qamar) ah. Ujeedada iyo Cibrada Qisadu, hadaan idiin sii Macaaniyo, waa xusuus iyo ogaansho aan ogaaneynu, Hanuunka Cidduu Ilaahay La doono meel kasta ayuu ugu galaa, cidina kama celin karto. Gabadha Muslimadda ahi hadey ku adkaysato Xijaabkeeda iyo diinteeda iney Cizi iyo sharaf ka dhaxasho, Ilaahayna Ilaaliyo, diinta iyo astaameheeda oo laga cararaana in lagu khasaaro, Qofka isku daya inuu Dacwada iyo Astaamaha Diinta la dagaalamana inuu isagu jab iyo hoog ku dambeeyo, waayo waa qof isku deyaya inuu Qoraxda iftiinkeeda afuuf ku damiyo, mana awoodo. Sidaas darteed ayaan is weydiintaas, caradu ku jirto, Qisada hal ku dheg uga dhigay: (Xijaabka Yaa U Xiray.?)..)) Qisadii oo sidan ku balaabatay waa tan: (Sheekh sida aan kuu sheegay qoyska aan kasoo jeedo waa dad culamadii hore ah waliba qeyb wayn kasoo qaatay fidinta diinka. Labada dhinac ee hooyo iyo aabe waa qooys culima ahaa, dhinaca hooyaday waxaa jirtay hooyo awoowgeed hooyadeed dhalay, wuxuuu ahaa culimada fiqiga dadka bara, wuxuuna ku noolaa gobolka ....... tuulo magaalada xoogaa ka baxsan, waxaana asaga ka horeeyey oo dhinacaas oo dhan sheekh caalim ah ka ahaa aabihiis. Markii uu aabihiis geeriyoodayna waxaa xertii la wareegay hooyaday awoowgeed, marka skeekhaan hooyo hooyadeed dhalay oo tuuladaaas joogo ayaa waxaa safar soo galay hooyo aabaheed oo asagana ahaa culimadii wakhtigaas jirtay, asagoo iska socdo ayuuu kusoo baxay tuuladaan yar ee hooyo awoowgeed daganaa, kadibna wuxuu kusooo leexday moowlicii xerta joogtay sidiii ayey labadiii sheekh isku barteen oo ah hooyadeey aabaheed iyo awoowgeed hooyadeed dhalay. Markaas waa meel amar ka socdaaye, waxaa wadaadkii la siiyey hooyo hooyadeed, meeshiisii ayuuna degey, adduunku waa hawl yaraa, dadkuna dalkooda ayey iska deganaayeene, waxeey u dhashay hooyaday oo keli ah, isla markiina wey geeriyootay Allaha u naxariistee. Marka maadaama labada wadaad ay saxiibo dad isku majaal ah noqdeen hooyadeey waxaa la isla gartay awoowgeed hooyadeed dhalay in uu korsado, Sidii ayey hooyaday awoowgeed ula nooleed. Muddo ka dib Awoowgeed wuu dhintay, taladii reerka waxaa la wareegay abtigeed hooyadeed la dhashay. Hooya abtigeed sida awoowgeed aad caalim uma noqonin, asagoo xoogaa bartay ayuu askarinimo qortay kadib wuxuu heerba heer soo gaaro wuxuu u soo wareegay meel muqdisha u dhow, xaaskiisii iyo caruurtiisii oo hooyoday u wayntahay wuxuu guri uga gaday magaalada, guri wayn oo xertiii dib loogu aas aasay lkn kutubta meesha lagu aqriyo sida awoowayashii hore asaga ma aqrin jirin ee culuma kalaa aqrin jirtay hooya abtigeedna wuxuu lahaa hooyga iyo quudinta waxaa kaloo cilmiga la aqriyo garab socday oo ay ahaayeen dariiqo oo way xadreeyn jireen. Hooyadeey waxeey gabar ka aheyd gurigaas intaas oo khalqiyah isugu imaatay oo dariiqada iyo dulaabta waxaa dheeraa waxii qaraabada kala duwan ahaa oo ilmahooda usoo dirsaday in ay waxbartaan oo gobalada soomaliya gobal ay ka imaanin ay yartahay. Waxaasoo dhan waxaa maamulkooda haayey hooyadeey. Sheekhoow qisada wey dheertahay. Hooyaday gurigii ayaa laga guursaday, iyadoo yar oo 14 jir ah ayaa guur u horeeyey hal wiil ka dhashay, ka dib Aabe ayaa guursadey, waxaa la ii sheegay Xoolo 10 dumara lagu guursado inuu Aabe ka bixiyey, yeelkadeedee Awoowe (Abtigeed) Raalli xoogaa kama ahayn, sidaa darteed gurigaas kama ay maqnaan karin. Waxay socotaba hooya abtigeed iyo aabahay ayaa is fahmi waayey markeey hooyo gabadha iga wayn dhashay, hooyo abtigeed waxuu yiri ii fur gabadhayda, aabaheeyna waa ka diidey, arintiii wexey gaartay maxkamad, hooya abtigeed awood ayuu ku lahaa doowlada wuxuuna ahaa sarkaal sare, kadib aabaheey hooyadaay maxkamad ayaa looga furay, ayadoo gabar heysato anigana aan uurka kujiro wxaana laga saxiixay in uusan soo sheegan karin ilmahaas, haduuu imaadana ay tahay in gacan layskula tago..Dib Dambena Aabe uma aanan arag hal mar anigoo weyn mooyee..Ilaahay ha u naxariisto...
Qore ..Sh.Maxammad Idiris
Share:

0 comments:

إرسال تعليق


taabo sawirkan subscribe saar

INTAQOF EE NASOBOQATEY

Unordered List

Untitled-2

sawirkaan taabo subscribe saar

Kadegso halkan xusnul muslim afsimali