الثلاثاء، 28 أبريل 2015

Tilmaamaha Macalinka Suuban




  Macalinku waa midka haya amaanada tarbiyeynta ubadka soo koraya, runtiina waa amaano culus oo u baahan qofka u soo banbaxayaa inuu yahay qof leh tilmaamaha laga doonayo qofka lagu aaminayo maskaxda iyo fikirka ubadka soo koraya. Gaar ahaan qofka baraya diinta islaamka oo doonaya inuu soo saaro jiil ilaahey kaliya caabuda wuu ka sii mas'uuliyad culus yahay midka maadada kaliya baraya, maxaa yeelay maanta waxaa badan fitnada iyo diin kasaarida iyo weliba waxyaabaha ubadka soo koraya si sahlan jidka ilaahey ooga leexinaya. Macalinka dadka kheyrka baraya maanta waxaa lagu tilmaamaa "Qof doonaya daad soo rogmadey inuu u celiyo dhinicii uu ka yimid" taas oo macnaheedu yahay dadka intooda badan ayaa ka hor imaanaya waxa uu dadka ugu yeerayo ee kheyrka ah, taas waxaa markhaati u noqonaya hadalkii uu abuu hureyre nabiga caleyhi salaatu wasalaam ka wariyey ee uu yiri "Aniga iyo umadeydu waxaan ka dhiganahay sidii ninka dabka shitey oo kale oo markaa ay baalaleydu ku daadaneyso, aniguna guntiga ayaan idinka hayaa idinkuna waad ku daadaneysaan oo ku faro baxsaneysaan" wuxuu ku yaalaa saxiixeynka. hadaba macalinku si muhimadaa culus si sahlan ugu guto waa in laga helaa tilmaamahan: Macalinku waa inuu yahay mid caqiido saliim ah leh, oo ictiqaadkiisu kabad qabo dhamaan wixii wax u dhimaya ee ama gaalnimo,fisqi, iyo diin badalid ah. Waana in caqiidadiisu tahay mid ku saleysan manhajka salafu saalix "diinta u fahmey sidey u fahmeen saxaabadii nabiga iyo taabiciyiintu" waana inuu macalinku ka badbaado qabo dhamaan caqaa'ida ku salaysan maadada, cilmaaniyada iyo ilaah diidnimada. waa inuu yahay qof laazimaya faralka iyo waajibaadka ilaahey saarey isla mar ahaantaana dhowraya sunooyinka oo inta karaankiisa ah ku dadaalaya inuusan ka tagin. waa inuu ka dheeraanayo waxyaabaha ilaahey reebay(muxaramaadka )ah iyo weliba waxyaabaha sharcigu karaahsanayo(makruuhaadka) la imaanshahooda kuwaas oo noqon kara ficil, hadal, mid muuqda iyo mid qarsoonba. waa inuu yahay mid ilaahay muraaqabeynaya sirtiisa iyo muuqaalkiisaba, oo rajeynaya abaalmarinta ilaahey haduu wanaag sameeyo, kana baqaya ciqaabtiisa haduu xumaan la yimaado. Waa inuu yahay mid aad ugu feejigan waxa uu sameynayo oo naftiisa ku xisaabinaya turaanturadeeda iyo simbiririxadeeda labadaba, waa inuu ku dadaalayo wixii naftiisa islaaxinaya oo toosanaya dhimanaantiisa oo hagaajinaya khaladkiisa intii suuro gal ah. waa inuu yahay mid cilmiga dalbaya oo fahamka diinta ku dadaalayo,waa inuusan ku gaabsaneynin xifdiga qur'aanka kariimka kaliya ah iyo baridiisa -iyadoo taasi ay weyn tahay-hadana waa inuu ku deydaa culimada ehlul kheyrka ah oo cilmiga ka qaataa sida: caqiidada, xadiithka ,tafsiirka, iyo luqada. waa inuu og yahay naftiisa qadarkeeda oo uusan ku hodmin Dadka amaantooda, waana ineysan u soo dhuumanin is cajabintu, iyo ku kadsoomid uu ku kadsoomayo badnaanta ardeyda wax ka baraneysa ama dhegeysanaysa. waxa ku xambaaraya diin baristu waa iney ahaadaan: faafin uu faafinayo qur'aanka kariimka ah iyo cilmiga islaamka iyo ajir raadin uu ilaahey kaga doonayo xasanaad badan inuu kaga siiyo qur'aanka uu dadka barayo Isagoo ka duulaya xadiiskii nebiga caleyhi salaatu wasalaam uu ku yiri "waxaa idiinku kheyr badan midka qur'aanka barta oo dadkana bara" inuu yahay camalkiisu ku dayasho uu ku dayanayo nabigeena caleyhi salaatu wasalaam iyo saxaabadiisa iyo salafkii umada ee suusuubanaa oo noloshoda oo dhan u hibeeyey ilaahey diintiisa u gargaarideeda. Waa inuu yahay mid ku sifeysan akhlaaqda iyo aadaabta wanaagsan, oo iska ilalinaya waxyaabaha wax u dhimaya muruu'ada iyo shakhsiyada macalinka. Diinta islaamkuna waxyaabaha ay la timid waxa ugu weyn dhameystirka akhlaaqda wanaagsan nabigeenuna wuxuu yiri "waxaa layla soo direy inaan dhameystiro akhlaaqda wanaagsan" nebigeenuna wuxuu ahaa mid ku sifeysan akhlaaqda wanaagsan sida uu ilaahey subxaanahu watacaalaa quraanka ku sheegay "Waxaa tahay nebi allow mid ku sugan akhlaaq wanaagsan" suuratul-nuun inagana nebigeena dayasho wanaagsan ayaa inoogu sugan. Dabeecada wanaagsan waxey diinteenu fartey dadka iska caadiga ah, qofka dadka kheyrka ugu yeerayana wuu ka sii faranyahay dadka kale oo dhan. waa inuu aduunka ka zaahidaa oo yareystaa ku faruur xidhnaanta dhal-dhalaalka mataacdeeda,macaankeeda iyo weliba ehelkeedaba, iyadoo aan ognahay ka qaadashada waxa lagama maarmaanka ah ee aduunyada ka mid ah inuusan ka hor imaaneynin zuhdiga iyo qanaacada toona. Manta dhibaatada ugu weyn ee shabaabka saxwada heysata waxaa lagu tiriyaa aduunyo jeceyl ilaahey ayaan weydiisaneynaa salaamo iyo dhowrsanaan. Waa inuu yahay mid ay ardeydiisu kaga deyan karaan dhamaan hadalkiisa, ficilkiisa iyo falalkiisa oo dhan sida uu ugu dhaqmayo qur'aanka,iyo weyneynta uu qur'aanka weyneynayo iyo ehlul qur'aankaba. Waa inuu yahay mid qur'aanka uu xambaarsanyahay camalkiisu ka turjumayo oo laga garanayo. Imaam al-shaafici ayaa isagoo u dardaarmaya macalinkii alkhaliifatu Haaruun Al-rashiid wuxuu yiri "Ha ahaado waxa ugu horeeya ee aad ku bilaabeyso tarbiyeynta caruurta amiirka mu'miniinta -hagaajinta naftaada,maxaa yeelay indhahoodu waxay ku guntan yihiin indhahaaga, waxaa agtooda ku wanaagsan wixii aad wanaagsato, waxaana agtooda ku xun waxaad xumeysato". Ibnu mascuudna waxaa laga soo weriyaa inuu yiri "ninka uu hadalkiisu uusan waafeqaynin ficilkiisa wuxuu ceebaynayaa oo kaliya naftiisa"intaakadib walaalayaal kusoo dhawaada macalimiin aqoon buuxda u leh diinta islaamka Iyo casharada uu ku barayo wuxuu sidoo kale khibrad iyo waayo aragnimo u leeyahay sida dadka wax loo fahansiiyo waa macalin tarbiyad iyo akhlaaqad leh ma raacaysid gaadiid lugna hadalkeedba daa kharashna kaa bixi maayo

Waa diintii loo safri jiray oo gurigaaga kuugu timid waa jaanis fiican iyo fursad dahabiya marka walaalayaal halaga faa,iidaysto fursadan qaaliga ah.Adigu baro aabo ama hooyo ilmahaagana bar diinta islaamka diinta inagaa u baahane iyadu inooma baahna waad mahadsantihiin





Share:

1 comments:


taabo sawirkan subscribe saar

INTAQOF EE NASOBOQATEY

Unordered List

Untitled-2

sawirkaan taabo subscribe saar

Kadegso halkan xusnul muslim afsimali